daajis.com:- Magaalooyin kuyaala Dalka Koonfur Afrika waxaa wali kasocda rabshado looga soo horjeedo dadka ajaaniibta ah ee dalkaasi ka ganacsada, waxaana weerarada ay yiiin kuwa si gaar ah loogu beegsanayo dadka afrikaanta ah ee dalkaasi kunool.
Kooxo dhalinyaro South African ah ayaa xaafadda Alexandra ee Magaakada Johannesburg, waxa ay six un ugu dilay Nin u dhashay Dalka Muzambik , waxaana dilka ninkan loo geestay uu ahaa mid aragagax badan lahaa iyadoona xiliga la dilayay laga duubayay muuqaalo .
Ninkan oo lagu magacaabo Emmanuel Sithole ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah ay u geesteen ragan South Africaanka ah, waxaana dilka ninkan loo adeegsaday dhagxaan, Baanagado , Burus iyo Midiyo, waxaana xiliga la dilayay si caadi ah u daawanayay qaar kamid ah dadka ku dhaqan Xaafada uu dilkan ka dhacay.
Booliiska Magaalada Jogansburg ayaa sheegay in dilka ninkan u dhashay Dalka Muzambik loo xiray dhoor qofood ,kuwaa oo la sheegay in laga dhax arkay Muuqaalo iyo Sawiro laga qaadayay xiliga ay dilka u geesanayeen . Emmanuel Sithole.
Rabshadaha ajaaniib naceybka ah ee ka socda Dalka South Africa waxaa lagu dilay dhoor qof oo ajaaniib ah, waxaa sidoo kale weeraradaasi lagu barkiciyay kumanaan Afrikaan ah ay Soomaali ku jiraan kuwaa oo la boobay guryihii ay dagnaayeen iyo goobahooda ganacsi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 03:00 and have






