Xog ku aadan Wadamada u dhasheen Ajaaniibta ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxii Garawe

Xog ku aadan Wadamada u dhasheen Ajaaniibta ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxii Garawe

daajis.com:- Magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland ayaa abaare 8:00 subaxnimo ee saaka waxaa qarax ka dhex qarxay Gaari Bus ah oo ay saarnaayeen shaqaale katirsan Qaramada Midoobay isuguna jiray Ajanabi iyo Soomaali, gaariga ayaa qarxay xili uu shaqaale kale ka qaadayey afaafka hore ee xarunta Hay’adda FAO.

Qaraxa maanta ka dhax dhacay Gaariga ay saarnaayeen shaqaalaha Hay'ada Qaramada Midoobay waxa aku dhintay afar qof oo ajaaniib ah oo kamid ahaa Shaqaalaha Qaramada Midoobay halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo iyana kamid ah ajaaniibta u shaqeeneysay UN-ka.

Dadka dhintay ayaa u kala dhashay dalalkaan.

1 Qof oo u dhashay Uganda

2 Qof oo u dhalatay Kenya

1 Qof oo u dhashay Afgaanistaan

Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay afar qof oo kale oo ajaaniib ah kuwaa oo labo kamid ah ay u dhasheen Dalka Kenya, hal qof oo u dhashay Dalka Uganda iyo qof kale oo isna kasoo jeeda dalka Sera Leone.

Labo askari oo katirsan Ciidamada maamulka Puntilanda ayaa sidoo kale la axqiijiyay in weerarkaasi ku dhintay iyo ruux kale, waxaana Weerarkan masuuliyadiisa sheegatay Xarakada Al-Shabaab.


Waxaa Maanta Magaalada Garawe gaaray labo diyaarad oo leedahay Qaramada Midoobay kuwaa oo halkaasi ka qaaday meydadka iyo dhaawacyada shaqaalaha ajaaniibta ah ee u shaqeenayay Qaramada Midoobay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada