Daawo sawirrada: Baarlamanka Jubba oo si rasmi ah loogu dhowaaqay

Daawo sawirrada: Baarlamanka Jubba oo si rasmi ah loogu dhowaaqay

daajis.com:Waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Kismaayo lagu dhaariyay 75 xubnood, oo ka mid noqonaaya Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maamulka Jubbaland.

Munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa lagu dhaariyay xubnahan, oo bilow u noqon doono Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, xilli aan la garanayn waxa ay wadartoodu guud noqon doonto.

Xildhibaanadan, ayaa waxaa la tilmaamay in laga soo kala xulay Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, waxaana munaasabadda lagu dhaariyay ku sugnaa Odayaasha Golaha Dhaqanka Deegaanka qaarkood.

Madaxda Jubbaland oo qaarkood goobjoog u ahaa dhaarinta Xildhibaanada cusub, ayaa waxay ku bogaadiyen inay gutaan waajibaadka loo igmaday, iyagoo dhanka kalana mahadcelin u jeediyay Odayaasha Dhaqanka.

C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Jubbaland oo ka hadlaayay munaasabadda, ayaa waxa uu soo dhaweeyay Xildhibaanada cusub ee galabta la dhaariyay.

Fartaag, ayaa muujiyay suurta galnimada in Xildhibaano cusub lagu soo biiriyo 75-ka xubnood, ee gelinkii dambe ee maanta lagu dhaariyay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.

Sheekh Cabdi Yuusuf Cali oo ka mid ah Xildhibaanada cusub ee la dhaariyay, ayaa noqonaya Mudanaha Baarlamaanka Jubbaland ee ugu da’da weyn.

Odayaasha Dhaqanka, ayaa dhowr dumar ah ku soo daray Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Maamulka Jubbaland, xilli khilaaf badan uu ka dhashay soo xulista Xildhibaanada.

Jimcihii, ayaa waxaa Magaalada Kismaayo isaga tagey Odayaal Dhaqameedyo ka soo jeeda Gobolka Gedo, ka dib markii ay sheegeen inaanay Odayaasha Dhaqanka u madax banaanayn soo xulista Xildhibaanadda.

Urur Goboleedka Igad, ayaa si xoogan loogu eedeeyay inuu fara-gelin xoogan uu ku haayo soo xulista Xildhibaanada, walow uu Maamulka Jubbalanad waxba kama jiraan ku tilmaamay.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada