FAAHFAAHIN:- Khasaaraha Weerarkii Al-Shabaab ee Wasaaradda Waxbarashada

FAAHFAAHIN:- Khasaaraha Weerarkii Al-Shabaab ee Wasaaradda Waxbarashada

daajis.com:- Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ayaa dib ula wareegay xarunta Wasaaradda Waxbarashada ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan ururka Alshabab.

Goobjooge ku sugnaa dhismaha marka weerarku bilaabmay ayaa u sheegay VOA in dabley ka tirsan ururka Alshabaab inay gaadhi ku qarxiyeen gidaarka  Wasaaradda Waxbarashada, ka dibna ay koox hubaysani gudaha u galeen dhismaha.

Madaxa Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah ee magaalada Muqdisho Dr Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Aadan ayaa VOA u sheegay in tirada dhimashadu ay gaadhayso illaa 15 qof halka dhaawaca ay qaadeena uu marayo illaa 20 qof.

Dhismaha ayay deganaayeen Wasaaradaha Waxbarashada, Shidaalka iyo Khayraadka Dabiiciga ah, warar kala duwan ayaa sheegaya inay bed-qabaan masuuliyiinta kala duwani.

Dablayda ka tirsanayd ururka Alshabaab ee gudaha u gashay dhismaha ayaa la wareegtay labada dabaq ee ugu horreeya, Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa iska caabbin xooggan la galay kooxdan sida ay goobjoogayaal VOA u sheegeen.

Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM iyo ciidan kale oo xoojin ah ayaa soo gaadhay dhismaha kuwaas oo ku guulaystay inay la wareegaan.


VOAsomali

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada