FAAHFAAHIN: Khasaarihii dagaalkii ka dhacay Taleex & dagaalkii oo iskii u istaagay (SAWIRRO)

FAAHFAAHIN: Khasaarihii dagaalkii ka dhacay Taleex & dagaalkii oo iskii u istaagay (SAWIRRO)

daajis.com:- Dagaalkii aroortii saaka ka billoday degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa joogsaday, iyadoo aysan jirin cid dhex-gashay laba beelooda ee dagaalku dhex-marayay.

Khasaaraha uu dagaalkan sababay ayaa la sheegayaa inuu marba marka ka dambeysa soo kordhayo, waxaana wararku sheegayaan inay lix ruux ku dhintay, kuwaasoo dhamaantood ah labada dhinac ee dirirtu dhex-martay, halka weli aan lahayn dhaawaca oo la sheegay in labada dhinac iyo shacabka ay gaareen dhaawacyo kala duwan.

Madaxda dhaqanka, Cuqaasha iyo Culummada Diinta ee magaalada Buuhoodle ayaa baaq nabadeed u diray labada beelood ee colaaddu u dhexayso. Garaad C/risaaq Garaad Soofe ayaa sheegay inay u dirayaan ergo hawshaas wax ka qabata; isagoo xusay inay inta ay soo socdaan ay uga digayaan labada beelood inay ka digtoonaadaan inay dagaalamaan.

Ugu dambeyn, dagaalkan ayaa daba-socda colaado soo noq-noqtay sanadihii lasoo dhaafay, inkastoo dhowr jeer oo hore la dhameeyay; balse ay dib u soo laabeen, iyadoo la sheegayo in ciidammo badan oo labada dhinac ah ay ku qul-qulayaan magaalada Taleex.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada