daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa ka mid noqday Mas’uuliyiin lagu casuumay shir ka furmay magaalada Bahi Dar ee dalka Ethiopia, kaasoo looga hadlayo arrimaha amaanka gobolka iyo horumarinta dalalka gobolka.
Shirka Tana Forum ayaa ah shir sanadle ah oo sanad walba martigeliso dawladda Ethiopia waxaana maanta {Sabti} si rasmi ah shirkaasi u furay Raysal-wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, waxaana sidookale iyana khudbado ka jeediyey masuuliyiin kale duwan oo wadamada afrika ka socday.
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa shirkaasi ugu qeybgalay kor jooge ahaan, waxaana kursigii uu ku fadhiyay lagu hor dhejiyay in uu shaqsi ahaan shirkaasi ugu qeyb galay sida ka muuqado sawirada hoose, halka madaxda kale loogu hor qoray dalalkooda..
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 06:30 and have
, Published at