daajis.com:- Ururka Taliban ayaa iska fogeeyay Qarax maanta ka dhacay magaaladda Jalalabad ee Dalka Afganistan.
Qaraxani xoogan oo ay dad badan ku dhinteen ayaa ka dhacay Bangiyo ku yaala Magaalada Jalalabaad ee Dalka Afgaanistan.
Ugu yaraan 33-qof ayaa ku dhintay Qaraxyada Ismiidaaminta ah, waxaana ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya 100-qof, qaraxa koowaad uu ka dambeeyay ruux ismiidaamiyay ayaa ka dhacay afaafka hore ee New Kabul Bank branch.
Qaraxa labaad ayaa isna saacad kadib ka dhacay agagaarka Bangiga kale ee Afghanistan Bank oo sida la sheegay 60mitir oo kaliya u jira halka qaraxa kowaad uu ka dhacay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:31 and have
, Published at