Isgaarsiintii Degmada Cadaado oo Hawada laga saaray,xilli la filayo shirka gobollada dhexe inuu halka ka furmo

Isgaarsiintii Degmada Cadaado oo Hawada laga saaray,xilli la filayo shirka gobollada dhexe inuu halka ka furmo

daajis.com:- Isgaarsiintii magaalada Cadaado oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa hawada laga saaray,sida waxaa baahiyay qar ka mid ah warbaahinta Soomaalida.

Lama sheegin sababta isgaarsiinta loo jaray,balse waxaa la sheegay in isgaarsiinta hawada ka maqan ay saameysay shacabka degmadaas iyo kuwa ka ag-dhow, waxaana sida la ogyahay ku sugan Cadaado madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sababta ugu weyn ee loo jaray isgaarsiinta magaalada Cadaado waxaa lugu sheegay inay qayb ka tahay tallaabooyin ammaanka magaalada lugu xoojinayo oo ay ku sugan-yihiin madax faderaalka ka tirsan iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.

Ciidammo ka socda howlgalka nabad ilaalinta AMISOM iyo kuwa xoogga dalka ayaa ku sugan Cadaado,kuwaaso adkeynaya amniga magaalada ku talla bartamaha dalka.

Sidoo kale,waxaa wali taagan shirki la filayay inuu Cadaado ka furmo ee lugu dhisayay maamulka gobollada dhexe,waxaana la sheegay inaan weli si dhab ah xal looga gaarin caqabadihii hor-taagnaa, kuwaasoo hakad-geliyay furitaanka shirka gobollada dhexe oo lagu waday inuu furmo Sabtidii aan soo dhaafnay, mar kalena shalay dib u dhac uu ku yimid.

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo magaalada Cadaado ay xarun u tahay iyo saraakisha kale ee dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadlin isgaarsiinta hawada laga saaray,lamana garan karo waqtiga ay dib usoo laabanayso.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada