daajis.com:-Ilo xogagaal ah oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, ayaa sheegaya in wada hadal qarsoodi ah uu iminka u dhexeeyo Mas’uuliyiinta ugu sareysa ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo wadaadka xagjirka ah ee Mukhtaar Roobow.
Wada hadalka ayaa la tilmaamayaa inay dhex dhexaad ka yihiin xubno horay uga soo goostay Maleeshiyaadka Alshabaab oo iminka la shaqeeya Maamulka.
Sidoo kale, wada hadalka ayaa waxaa dhanka Maamulka uga wakiil ah Xubno ka tirsan Madaxtooyada Maamulka iyo Seddex wasiir oo mid kamid ah la sheegay inay qaraabo hoose yihiin Mukhtaar Roobow oo isagu gambaad ka dhiganaayo Howdadka Bay iyo Bakool.
Warar aan lagu kalsooneyn ayaa sheegaya in Khadka telka ay kuwada hadleen Madaxweynaha Maamulka Shariif Xassan iyo Mukhtaar Roobow. Inkastoo aan la ogeyn waxa ay kawada hadleen, ayaa waxaa hadana jiro rajooyin muujinaayo inay isku fahmeen maslaxo labaduba mideyn karta.
Haddii ay dhabowdo wada hadalka ayaa waxaa waa cusub u bidhaamayaa Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, maadama inta badan dhankaasi ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka daacada u ah Mukhtaar Roobow.
Roobow ayaa inbadan ka dabeecad duwan Horjoogayayaasha Maleeshiyaadka Alshabaab, waxa uuna Kooxda ku khilaafay qaabka ay u wado Hogaanka iyo dilalka aan sal iyo baar ku laheyn diinta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:10 and have

