Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay khudbadii uu ka jeediyay maanta xarunta Baarlamanka

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay khudbadii uu ka jeediyay maanta xarunta Baarlamanka

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul wasaarihiisa dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta furay Kalfadhiga 6-aad ee Barlamanka Somalia.

Madaxweynaha Somalia oo Khudbad ka jeediyay kalfadhiga ayaa soo hadal qaaday arrimaha ammniga iyo Federaalka, waxa uuna Xassan Sheekh sheegay in dowladda ay ku guuleysatay sameynta Maamulada KMG ah, inta dhimana ay dhameystiri doonaan.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in Dowladda ay ka saareyso Al Shabaab Deegaanada ay kaga sugan yihiin Somalia, si dhulkaasi uu u gaaro nidaamka Dowladda.

Madaxweynaha waxa uu dhinaca kale sheegay inay socdaan dadaalo dib loogu furayo Xawaaladaha Soomaalida Kenya.

Dhanka kale Guddoonka Barlamanka Somalia ayaa su’aalo ka weydiiyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ilaa hadda waxa ay ka qabteen dhibaatooyinka Qaxootiga Soomaalida ku heysata dalalka Kenya iyo Yemen.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay ka wada hadleen in aan lagu qasbin Qaxootiga Soomaalida dib u celintooda Somalia ayna ka aqbaleyn arrintaasi, isaga oo sheegay in dhinaca Yemen ay wadaan qorshe dib loogu soo celinayo dalka Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Yemen.


Kalfadhiga 6-aad, waxaa Barlamanka horyaalla meelmarinta sharuuc badan, kuwaasi oo gogal xaar u ah, doorashada 2016-ka la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya, taasi oo Shacabka ay walwal ka qabaan in aysan qabsoomin, marka loo eego daruufaha jira, ee Ammaanka iyo Dib u heshiisiinta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada