daajis.com:- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday 20 ruux oo lagu eedeeyey iney ka tirsanaayeen Ururka Al-shabaab isla markaane ay falal amniga kasoo horjeeda ka geysteen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. .
Fadhiga maxkamadda oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo saraakiisha maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa waxaa la horkeenay 20 ruux oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin Alshabaab
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sii daysay qaar ka tirsan dadkii lasoo eedeeyey oo ay Maxkamaddu sheegtay in wax dambi ah lagu waayay, Xukunka maxkamadda ayaa waxaa ku dhawaaqay C/fataax Maxamed Ibraahim Geeseey oo ah ku simaha Gudoomiyaha Maxkamadda ciidanka qalabka sida ahna wasiirka amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:30 and have
