daajis.com:- Waxaa maanta Markab ay la socdeen dad Soomaali iyo Yamaniin isugu jiro oo ka soo qaxay dagaalada ka soconaaya Koonfurta iyo Waqooyiga Yemen, ayaa waxay ku soo xirtay Dekeda Magaalada Berbera.
Markabkan, ayaa ka soo amba baxay Dekeda Magaalada Mocha, wuxuuna muddo 10 saacadood uu ku soo jiray badda, iyadoona uu ugu dambeen uu saakay ku soo xirtay Dekeda Berbera.
Xukuumadda Somaliland iyo Shaqaalaha Hay’adda UNHCR, ayaa dadkaasi soo dhaweeyay una fidiyay gargaar.
Markabkan oo magaciisa ahaa NOVA1 ayaa waxaa la socday dad gaaraya 450 qof, waxayna noqonaysaa tiradii ugu badneyd oo mar qura soo gaarta Dekeda Berbera, tan iyo markii ay bilowdeen duqeymaha ka dhanka ah Jabhadda Xutiyiinta ee dalka Yemen.
Boqolaal qaxooti Soomaaali iyo Yamaniiyiin isugu jira ayaa soogaarayay toddobaadyadii la soo dhaafay soo Dekedaha Magaalooyinka Berbera, iyo Boosaaso.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:00 and have
