daajis.com:- Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Difaaca Mudane Cabdalla Xuseen Cali, ayaa maanta booqasho shaqo ku gaarayey xarunta Ciidamadda Badda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa kormeeray qalabka iyo xarumaha ay ku shaqeeyaan Ciidamadda Badda Soomaaliya.
Wasiirka, ayaa ugu horeyn booqday doomaha dheereeya oo ay leeyihiin Ciidamadda Badda, kuwaas oo dhawaan la filayo in ay door ka qaadan doonaan sugidda ammaanka xeebaha Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Badda Dowladda Federaalka Admiral Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka doomaha iyo sida ay u shaqeeyaan, isagoo xusay in ay mar dhow bilaabi doonaan shaqooyinkii loogu talagalay.
Taliyaha, ayaa hoosta ka xariiqay sanadihii ugu danbeeyay Ciidamadda Baddu in ay sameynayeen horumar, hadana loo baahan yahay in kor loo qaado tirada iyo tayada ciidamadda Badda, si ay ciidanku u noqdaan kuwa ay u dhameystiran yihiin adegyadii guud ee ku howl gali lahaayeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 11:00 and have





