daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Puntland, oo hadal ka jeedinayay Xaflad Casho ahayd oo madaxweyne Xasan Garowe loogu sameeyay, ayaa ka hadlay mowqifka uu maamulkiisa ka taaganyahay Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in Puntland horay u cadeysey mowqifkeeda ku aaddan maamulka loo sameynayo gobollada dhexe, isagoo xusey in Puntland iyo Dowladda Federaalku bishii October 14, 2014 heshiis arrintaas ku saabsan magaalada Garowe ku kala saxiixdeen.
“waxaan leenahay bariga Mudug iyo galbeedka Mudug iyo waqooyiga Mudug waa Puntland…koonfurta Mudug sheegan mayno, marka waxa maamulka loo dhisyaaa waa koonfurta Mudug iyo Galguguduud” Gaas ayaa yiri.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu mar kale yiri: “koonfurta Mudug haddii ay nasoo raaceyso oo nagu soo biireyso waa jeclaan lahayn, hadiise ay walaalaheena koonfur kasii xiga ku biirayaan waa Ilaah mahaddiis waaana ku taageereynaa”.
Cabdiweli Gaas ayaa xusey in danta Puntland ku jirto in deegaannada deriska la ah Puntland maamul yeeshaan, maadaaama taasi qayb weyn ka qaadan doonto sugidda amniga iyo xoojinta qarannimada Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 15:17 and have

