daajis.com:- Heestan oo loogu magac daray (Horta Yaa Masuul ka ah?), ayaa waxay ka hadleysaa qaraxyada sida joogtada ah kaga dhacaaya Magaalada Muqdisho, misena ay waxyeelada ballaarani ka soo gaareyso dadka shacabka ah.
Heestu waxaa sameeyay Jooqle Shire Jaamac, laxankana isaga ayaa leh, muusikadana waxaa u tumayMaxamed Karaama. Waxaana ku luqeynaaya Jooqle Shire, waana jiibintii/ hooriskii Xuseen Shire Jaamac,Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) iyo Cabdi Ciid Macalin Aw Cali.
Ereyada heesta, ayaa waxaa ku jira su’aasha joogtada noqotay ee dadku isweydinayan, ee ah halka ay wax ka khaldan yihiin, bacdamaa ay wax joogto ihi noqdeen qaraxyada gilgilaaya Magaalada Muqdisho.
Ururka Al Shabaab oo ka soo horjeeda jiritaanka Dowladda Federalka Somaliya iyo joogitaanka Amisom ee dalka, ayaa sheegta masuuliyadda weerarada ka dhacaaya Xarunta Somaliya.
HALKAAN KA DAAWO
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:00 and have
