Beelo lagu heshiisiiyay Gobolka Galgaduud”Sawiro”

Beelo lagu heshiisiiyay Gobolka Galgaduud”Sawiro”

daajis.com:- Waxaa Shalay Deegaanka Dhabad oo 40 KM dhanka Waqooyi Galbeed kaga beegan Cadaado ka dhacay Kulan dib u heshiisiin ah oo beelo isku Hor fariisteen markii u horeesey 34 Sano oo Colaad ba ani dhex taalay waxaana beelahaas kasoo kala jeedaan Cadaado iyo Cabud Waaq.

Wafdi balaaran oo uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha bulshada iyo dib u heeshiisiinta Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Guureeye ayna ku jiraan nabadoono caan ah ayaa Shalay  Gaaray dhabad waxaana dhankooda halkaa ku soo dhaweeyey Nabadoonada deegaankaas iyada la hoos fariistay geed Hoostii laguna wadahadlay.

Muhiimada kulankaan ayaa ahaa Maadaama Xiligaan Guga lawada deganyahay in aan wax dhibaato ah laga dhex abuurin beelahaan oo sida lasheegay mudo 2 Sano ah nabad iskula noolaa waxaana Kulankaan uu ahaa mid ku dhamaaday Jawi is afgarad leh waana markii koowaad oo kulan nuucaan ah uu dhex maro 2 daan beelood mudo 34 Sano ah oo colaadi dhex taalay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada