Ciidamada DF oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Buur-weyn

Ciidamada DF oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Buur-weyn

daajis.com:- Ciidamada DF oo garab milatari ka helaya kuwa AMISOM, oo xalay saqdii dhexe ka baxay magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, ayaa saakay la wareegay deegaanka Buur-weyn ee Isla Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Huwanta iyo kuwa Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanka Buurweyn oo qiyaastii 28-KM u jirta Degmada Buulo Burte, waxaana Deegaanka Dagaalku ka dhacay horey u maamulayay Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

somalia-amisom-djiboutiAbaanduulaha guutada 10-aad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya Kabtan Cismaan Cabdi Muumin ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo wada jira xalay Saqdii dhaxe Al-Shabaab xoog uga saareen Deegaanka Buurweyn.

Sargaalkan ayaa sheegay in Ciidamada Wadajira iyo kuwa AMISOM uu dhax maray Dagaal socday Daqiiqado badan , waxa uuna xaqiijiyay in Al-Shabaab ay ka saareen Deegaanka Buurweyn oo horey fariisin ugu ahaa Al-Shabaab.

Ma jiraan Faah faahino badan oo laga helayo qasaaraha dhimasho iyo mid dhaawac ee kala gaaray dhinacyada Dagaalamaya, Al-Shabaab ayaana wali ka hadlin Dagaalka ka dhacay Deegaanka Buurweyn ee looga qabsaday Dagaalyahanadooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada