daajis.com:- Ciidanka Booliska ee Magaalada Kismaayo ayaa waxay maanta soo bandhigeen afar Dumar ah oo falalka Tuugonimo ah kaga shaqeysaaayay Xarumaha ganacsiga ee Magaalada Kismaayo.
Haweenkan ayaa Arbacadii la tilmaamay inay diyaarad ka soo raaceen Magaalada Muqdisho, ayna ku soo dageen nin dhalinyaro ahaa, isla-markaana ay maalmahaanba falal tuuganimo ah ay ka geysanayeen goobaha ganacsi, ee Kismaayo ku yaala.
Taliye Ku Xigeenka Saldhiga Dhexe Kismaayo Aadan Bahdoon oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in haweenkan ay Jimcihii, Sabtidii iyo Axadiiba dhac ka geysteen goobaha ganacsi ee Magaalada Kismaayo.
Taliye Ku Xigeenku wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan lacag dhan kun iyo sideed boqol oo lacagta Mareykanka ah ($1,800US) iyo dhar ay ku soo qabteen dadka eedeysane-yaasha ah.
Mid ka mid ah haweenka la soo bandhigay, ayaa waxay sheegtay in gacanta lagu soo dhigay, iyagoo isku diyaarinaaya inay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at