daajis.com:- Mudanayaal katirsan Baarlamanka DF kana soo jeeda Jubooyinka, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho ku shaaciyay inay mooshin ka gudbiyeen maamulka Jubbooyinka, iyagoo sheegay inuu maamulkaasi jebiyay qodobo sharci ah oo Dastuurka ka mida iyo heshiiskii Addis ababa ee dowladda Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe saxiixdeen.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo xildhibaanadaasi u hadlay ayaa sheegay inay MOOSHINKA laga qoray maamulka Jubba ay gaarsiiyeen guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) kana guddoomay mooshinkaasi, wuxuuna intaasi ku daray in maamulka Jubba uu jebiyay qodobadda 46-aad, 49-aad iyo 50-aad ee Dastuurka KMG ah, isla markaana dhowri waayay heshiiskii Addis ababa ee dowladda iyo maamulka Axmed Madoobe.
Xildhibaan Daahir Jeesow wuxuu digniin u diray madaxda dowladda Federaalka inay tagaan magaalada Kismaayo inta uu mooshinkaasi ka yaalo maamulka Jubba, isagoo ka hor yimid in madaxda dowladda sida Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha ama wasiirada ay tagaan Kismaayo.
Mooshinkan ayaa ku soo beegmay iyadoo maalinta beri ah magaalada Kismaayo lagu caleemo saarayo baarlamaanka maamulka Jubba ee dhowaan la doortay iyadoo madax kala duwan lagu casuumay ay tegayaan Kismaayo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:28 and have
, Published at