daajis.com:- Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry ayaa maanta (06-5-2015) booqasho ku tegay dalka Jabuuti, halkaasoo ku taal xerada milateri ugu weyn Mareykanka ee Afrika, waxaana uu kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf.
Booqashada Kerry ee Jabuuti ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayay wadamada Geeska Afrika, waxaana uu ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo booqasho qaadatay saddex cisho uu ku joogay.Kerry ayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, kala hadlay xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Jabuuti, isagoo uga mahadceliyey gurmadka iyo soo dhaweynta ay Jabuuti u fidisay boqolaal qof oo ka soo cararay colaadda hadda ka socoto dalka Yemen.
John Kerry ayaa Jabuuti ugu yaboohay 68 milyan oo gurmad cusub ah oo Mareykanku siin doono Jabuuti, iyadoo 16 milyan oo dhaqaalahaasi ka mid ah loogu talagalay in Jabuuti ay ku caawiso qaxootiga ka imanaya dalka Yemen ee hadda colaaddu ku socoto si ay u helaan biyo iyo baad iyo xerooyin ay dagaan.
Mr Kerry ayaa booqasho aan horey loo sii shaacin shalay ku tagay magaalada Muqdishu isagoo la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Sharmaarke iyo hoggamiyeyaasha maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed.
Booqashadii Kerry ee uu shalay ku tagay magaalada Muqdisho ayaa ka dhigaysa mas’uulkii ugu sareeyey ee ka socda Mareykanka oo booqda dalka Soomaliya muddo 20 sanno ka badan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:30 and have
, Published at