DAAWO: Faysal Cali Waraabe oo Sheegay Inuu Dowlad kale ka Dhisayo Somaliland Gudaheeda (VIDEO)

DAAWO: Faysal Cali Waraabe oo Sheegay Inuu Dowlad kale ka Dhisayo Somaliland Gudaheeda (VIDEO)

daajis.com:- Waxaa Mudo kordhintii loo suubiyay Madaxweyne Siilaanyo ay dhalisay qal qal Siyaasadeed iyo Banaanbaxayo, waxaana Go’aankii Guurtida Soomaaliland ka hor yimid Dhamaan Xisbiyada Mucaaradka ee Soomaaliland.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradkaa Ee UCID Feysal Cali Waraabe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo aan laga Aqbali doonin Mudo kor dhinta islamarkaana uusan Hal Maalin ku darsan karin Waqtigii lagu balamay. 

Faysal Cali waraabe ayaa yiri:- “Golaha Guurtiga lama Aqbali karo Go’aankooda, Soomaaliland hada waxaa ay u laabaneysaa Nidaamkii Beelaha, Siilaanyo ayaana u horseeday” wuxuuna sheegay Inuu Dowlad ka Dhisanayo Somaliland Gudaheeda hadii siilaanyo uu sii fadhiyo kursiga.

Degaanada Maamulka Soomaaliland ayaa awaxaa ka taagan Xaalada Siyaasadeed oo Adag, iyadoo lagu wado in maalinta berito ah ay gaaraan Magaalada Hargeysa Mas’uuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada