VIDEO:- Madaxweynaha oo Ka Qaybgalay Daah-furka Qorshaha isku dhafka Ciidammada Xooga Dalka

VIDEO:- Madaxweynaha oo Ka Qaybgalay Daah-furka Qorshaha isku dhafka Ciidammada Xooga Dalka

daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey qorshaha guddiga cusub ee isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in talaabada isku dhafka ciidammada qaranka ay muhiim u tahay horumarinta awoodda iyo tayaynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.




“Muddo 25 sanno kadib waxaan maanta goobjoog u nahay maalin taariikhi ah. Daah-furka hawlaha guddiga isku dhafka ciidammada waxaa uu muhiim u yahay dib u dhiska nidaamka sharciga iyo soo celinta kalsoonidii luntey ee bulshadeena iyo inaan horey u sii dhaqaaqno, una dhisano mustaqbal ka wanaagsan kii hore ee ina soo marey.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inay jiraan arrimo kale oo muhiim u ah dib u dhiska iyo mideynta dalka, balse tallaabadan isku dhafka ciidammada ay tahay midda ugu muhiimsan ee keeni karta in horey loo sii dhaqaaqo gacanna ka geysan karta dhaqangelinta Hiigsiga 2016.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada