DAAWO SAWIRADA:- Ammaanka Guud ee magaaladda Boosaaso oo maanta Laga wadahadlay Iyo Ciidamo lagu daadiyey Magaaladda

DAAWO SAWIRADA:- Ammaanka Guud ee magaaladda Boosaaso oo maanta Laga wadahadlay Iyo Ciidamo lagu daadiyey Magaaladda


daajis.com:- Puntland,Madaxda gobolka Iyo degmada ayaa maanta kawada hadlay Ammaanka guud ee magaaladda Boosaaso oo dhacdooyin khalkhal gelin ku ah ay ka dhaceen magaaladda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf oo Saxaafada la hadlay kulanka ka dib ayaa sheegay go’aano iney kasoo saareen isla markaaana amniga wax uga qabanayaan.

Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay in go’aanada ay kamid yihiin adkeynta amniga magaaladda taasoo ay kawada shaqeynayaan Ciidanka amniga ee gobolka Jooga iyo hay’adaha Sirdoonka.


Wuxuu sheegay in weli uu socdo kulamada ay uga hadlayaan adkeynta ammaanka magaaladda Boosaaso isla markaana ay gabagabada kasoo saaraan go’aano wadashaqeyneyd oo lagu mideysanyahay.


Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa ka hadlay Ciidamo tirabadan shalay soo gaaray magaaladda Boosaaso iyo shaqada ay qabanayaan waxa ay tahay.



Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in Ciidanka sababta loo keenay magaaladda ay tahay wax ka qabashada ammaanka mudooyinka soo xumaanayey ee magaaladda taasina ay tahay sababta loo keenay.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada