daajis.com:- Dagaalyahanada Kooxda Daacish ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada taariikhiga ah ee dalka Suuriya ku taal ee Tadmur, halkaasoo maalmihii u dambeeyay dagaalo xoogan ay ka socdeen.
Sida ay sheegayaan wararka Xoogaga Daacish ayaa qabsaday xabsiga magaalada, xarunta Sirdoonka iyo garoonka ciidamada cirka, markii ay isaga baxeen ciidamo taageersan Xukuumadda Bashar Al-Asad.
Magaalada Tadmur ayaa waxaa ku yaala goobo taariikhi ah oo ku jira diiwaanka Hey’adda UNECSO, waxaana laga cabsi qabaa in goobahaas taariikhiga oo macbadyo iyo qabuuro u badan inay bur buriyaan Daacish.
Mas’uul u hadlay dowladda Suuriya ayaa sheegay in alaabihii taariikhiga ahaa magaaladaas laga daad-gureeyay, ka hor inta aysan Daacish qabsan.
Goobaha Taariikhiga ee magaalada Tadmur ayaa ku yaala dhanka koofureed ee magaalada, waxaana wali la sheegayaa in aysan dagaalyahanada Daacish soo aadin.
Sidoo kale magaaladan ayaa leh muhiimad gaar ah, sida gaaska dabiiciga ah iyo inay isku xirto magaalooyinka Dimishiq ee Caasimada Suuriya iyo Deira Al-Zour.
Dagaalyahanada Daacish iyo kooxaha kale ee Suuriya ka dagaalama ayaa mudooyinkii u dambeeyay kordhiyay weerarada ay ku qaadayeen Ciidamada dalka Suuriya iyo meelaha ay kaga sugan yihiin dalkaas.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:47 and have



