Daawo Sawirada:- Dhul Gariir mar kale ku dhuftay Dalka Nepal iyo dadka oo Guryaha kasoo wada baxay

Daawo Sawirada:- Dhul Gariir mar kale ku dhuftay Dalka Nepal iyo dadka oo Guryaha kasoo wada baxay

daajis.com:- Waxaa Goordhaw Dalka Nepal mar kale ku dhuftay dhul gariir xoogan oo laga dareemay Caasimada Dalkaasi ee Kathamandu iyo Deegaano kale oo ku dhaw dhaw.

Dhul Gariirka Goordhaw ku dhuftay Dalka Nepal ayaa si xoogan looga dareemay inta u dhexeysa Magaalada Kathmandu iyo buuraha Everest, waxa uuna dhul gariirkan socday mudo labo daqiiqo ah.

Cabirka dhul gariirka goordhaw ku dhuftay Dalka Nepal ayaa lagu qiyaasay 7.4 , waxaana la sheegay in dhul gariirka goordhaw Dalkaasi laga dareemay ay ka dhasheen qasaarooyin dhimasho iyo mid dhaawac iyo bur bur dhismooyin.

Dadka kunool Caasimada Nepal ayaa durba bilaabay in ay kasoo baxaan guryaha iyo dhismooyinka kale ee ku jireen, waxaana dadka qaarkood ku dhacay shook iyo argagax, waxaana wali wadooyinka iyo dhulka banaan ee Magaalada Kathmandu lagu arkayaa dad badan oo aad u argagaxsan.

Bishii hore Dalka Nepal waxaa ku dhiftay Dhul gariir baaxadiisu la akeed 7.8 ,waxaana dhul gariirkaasi ku dhintay dad kor u dhaafaya 8,046, waxaa ku dhaawacmay in ka badan 17,800, waxaana ku bur buray dhismayaal iyo hanti kale oo aad u badan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada