Xukuumada Somalia oo loogu baaqay in gacanta Dowlada dib ugu soo celiso furaha Tafeefoonnada ee 252.

Xukuumada Somalia oo loogu baaqay in gacanta Dowlada dib ugu soo celiso furaha Tafeefoonnada ee 252.

daajis.com:- Afhayeenka golaha barlamaanka Sooamaliya mudane Maxmed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlay kulan-howleed uu la yeeshay wasiirka boostada iyo isgaarsiinta ayaa golaha xukuumada Soomaaliya ka dalbaday iney gacanta dowlada dib ugu soo celiyaan furaha Tafeefoonnada Soomaaliya ee 252, oo ah hanti qaranka Soomaaliyeed leeyahay.

“Arrimaha kale aan hoosta ka xariqaayo oo inbadan isoo gaaray waxaa weeyaa,n nabarka Soomaaliya loo yaqaano 252 wa inuu gacantena kusoo noqoto, ha noqoto 2 bil, ha noqoto shan bil, waa in hadda la bilaabaa, howshiisa hadii ay socoto in la sii dadajiyo. 252 suuqa waregaayay iyo caalamka uu waregaayay ma ogalin, taa waxaa weyaan iney degdeg u timaado maxaa yeelay dowladanimada ayaa taa ku jirta”Ayuu yiri Prof Jawaari

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa amaan ballaaran u soo jeeydiyay shirkadaha ganacsiga taleefanada iney shaqo weyn qabteen, islamarkana horumarka dalka qeyb weyn ka qaateen, isagoo ka dalbay iney bixiyaan cashuurta dalka si hormarka iyo dhismaha dalka logu hormariyo.

“Milkiiliyasha shirkada laftigooda waxaan aaminsan ahay iney yihiin dad aqoon leh, muslimiin ah, ku leh xaq qof kasta waa inuu bixiyaa waxa xaqa loogu leeyahay, haddii ay rabaan iney hantidoodu u barakowdo waxa aan ka raadineyno aan leenahay iska bixiya, canshuurtaasi kalmada canshuur Af-Soomaali waa dhaqan-dhowrto, haddi la bixiyo dhaqan dhowrtadaasi la bixiyo xoolahooda xalaal iyo barako ayuu u yelanayaa“ayuu ku celiyay Afhayeenka Baarlamaanka.


Ugu dambeyntii guddoomiyaha golaha baarlamaanka fedaralka Soomaaliya mudane Maxmad Sheekh Cismaan Jawaari ayaa soo u soo jeeydiyay golaha fulinta ee xukuumada Soomaaliya in ay wacyi gilin joogta ah u sameeyaan milkiilayasha shirkadda si ay canshuurta u bixiyaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada