daajis.com:- Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ayaa sheegaya in roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Magaaladaasi ay xalay sababeen in uu soo dumo Darbi ku wareegsanaa Masaajid kuyaala Xaafada South B oo katirsan Magaalada Naiarobi.
Dhismaha Darbiga ayaa soo duumay xalay abaaro 9-kii Fiidnimo xiligaas oo la sheegay in uu da’ayay roob xoogan, waxaana Fataahad ka dhalatay roobkaasi uu sababay in ay dumaan darbiga ku xeendaabnaa Masaajidkaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa Darbigaasi dumay ku geeriyooday 9-qof oo ka agdhawaa darbiga soo dumay , waxaa sidoo kale Isbitaalka weyn Kenyatta Hospital la dhigay labo qof oo kale oo ku dhaawacmay Darbiga Masaajidka ee kusoo dumay.
Waxaa laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan qasaaraha ka dhashay Darbiga Masaajidka ee xalay kusoo dumay Xaafada South B, Waxaana Magaalada Nairaobi saameyn badan ku yeeshay roob xoogan oo halkaasi ka da’ay kaa oo biyo badan dhigay Wadooyinka Magaaladaasi.
Roob Mahiigaan ah oo ka da’ay qeybo badan oo kamid ah dalka Kenya ayaa sababay qasaaro dhimasho iyo bur bur hantiyadeed, waxaana roobabka ay saameyn badan ku yeesheen Magaalooyin badan oo kuyaala Dalkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:00 and have



