daajis.com:- Duulimaadkan ayaa haddii lagu guulaysto waxa uu noqon doonaa midkii ugu dheeraa taariikhda ee mar qur ay sameyso diyaar ku shaqeysa ileyska qoraxda.
Kaddib markii muddo shan usbuuc ah la sugayay cimilo u saamixi karto diyaaradan in ay ku duusho, ayaa diyaaradani ku shaqeysa ileyska cadceeda waxa ay ka duushay magaalada Nanjing xilli qabow oo habeen ah.
Nalalka ku xiran geesaha diyaarada ayaa ahaa kuwo aad u iftiimayay.
Maalintii ayaa diyaaradan oo uu ku xiran yahay soolar gaarsiisan 17 kun oo unug waxa ay u sahlaysaa in ay saacadiiba jarto 70 km.
Diyaaradan ayaa miisaan ahaan waxa ay la eg tahay qiyaastii hal gaari oo nooca yaryar ah.
Duulimaadkan oo ay diyaaradu ku tegi doonto gobolka Hawaii ee Mareykanka, iyadoo sii dulmari doonta badda Pacific-ga, ayaa ah mid ay halistiisu badan tahay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:00 and have




