daajis.com:- M/weynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu kaga baxay heshiis ay ku kala saxiixdeen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose.
Shariif Xasan ayaa shegay in heshiiskaasi uu dhigaayay in dadka kasoo jeeda Baay iyo Bakool ee deeganada Jubbooyinka ku nool si siman ay xuquuq uga helaan baarlamaanka Maamulka Jubbalan d.
Sidoo kale Shariif Xasan Wuxuu sheegay in arintaasi aysan dhicin oo xuquuqdii ay lahaayeen dadka Koonfur Galbeed kasoo jeeda la duudsiiyay, islamarkaana taasi ay tahay cadaalad daro Maamulka Jubbaland uu sameeyay.
“Anaga horay waxaan ugu heshiinay in Baarlamaanka dhismihiisa qaab deegaan ah lagu soo xulo, laakiin dadka Koonfur Galbeed kasoo jeeda ee Jubbooyinka degan xaqooda waa la duudsiiyay.” Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Tan iyo markii la dhisay Baarlamaanka Maamulka Jubbaland, waxaa ka taagneyd cabashooyin kala duwan, iyadoo Xukuumadda ay arintaan soo fara gelisay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan magacaabi doonta Guddi la fariista Maamulka KMG ee Jubba sidoo kalena la kulma dadka ka cabanaya qaabka baarlamaanka Maamulkaasi loo soo xulay.
Send To > Keep unreadDelete
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:30 and have

