Daawo Sawirada:- Kooxo mootooyin iyo Seefo ku hubaysan oo Dagaal khadhadh ku dhex maray Magaalo ku Taalo Dalka Maraykanka

Daawo Sawirada:- Kooxo mootooyin iyo Seefo ku hubaysan oo Dagaal khadhadh ku dhex maray Magaalo ku Taalo Dalka Maraykanka

daajis.com:- Booliiska Maraykanka ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan dagaal culus oo kooxaha loo yaqaan Burcad wata Mootooyinka ku dhexmaray magaalada Waco ee gobalka Texas Axadii lasoo dhaafay.

Dagaalkan ayey ku dhinteen 9 qof kadib markii ay gacanta isula tageen shan kooxood oo kala gedisan kuwaasi oo ah kooxaha Mootooyinka wata oo burcad ah.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay baar ku yaal magaalada Waco oo lagu magacaabo Twin Peaks halkaasi oo ay isku balan sadeen shan kooxood oo uu horey loolan xoogan ka dhaxeeyey.

Ciidamada Booliiska ayaa horey digniin u siiyey mulkiilaha baarkaasi in goobtaasi uu ka dhici karo dagaal, balse taladaasi ayaa laga dhego adeegay sida ay Booliiska sheegeen.

Goobta dagaalka ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale ku yaal suuq weyn oo maalinta Axada ay dad badan booqdaan.

Dhamaan dadka ku dhintay dagaalkan ayaa ka tirsan kooxaha gacanta isulla tagay oo ay ugu badan yihiin taageerayaasha kooxaha loo kala yaqaan Bandidos iyo Cossacks.

Booliiska oo xoog u adeegsaday joojinta dagaalka ayaa xabsiga dhigay 160 xubnood oo kamid ah kooxahan mootooyinka wata oo qeyb weyn ka ah burcada habeysan ee ka jirta dalkaasi Maraykanka.

Warar hada soo baxaya ayaa sheegay in dadka dhintay ay qaarkood dileen ciidamada Booliiska oo fursadan u adeegsaday inay laftooda wax ka dilaan xubnaha kamid ah kooxahan.

Waxaana hada la hadal hayaan in qaar kamid ah kooxaha dadka laga dilay ay raad-raadinayaan sidii ay uga aargudan lahaayeen ciidamada Booliiska.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada