Daawo sawirada Rag lagu sheegay inay yihiin saraagiil Alshabab ah oo Boosaaso laguoo bandhigay

Daawo sawirada Rag lagu sheegay inay yihiin saraagiil Alshabab ah oo Boosaaso laguoo bandhigay

daajis.com:- Waxaa Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari lagu soo bandhigay Sadax nin oo la sheegay in ay kamid ahaayeen Saraakiisha Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalama aaga Buuraha Galgala .

Saraakiishan maanta lagu soo bandhigay Magaalada Boosaaso ayaa kala ahaa Muqtaar C/nuur oo ku magac dheer Axmad Guray taliyihii Al-Shabaab ee buuraha Golis, C/waaxid Cali Kamaadiid iyo Guuleed Bashiir.

Taliyaha ciidanka booliska Puntland Maxamad Saciid Jaqanaf oo Warbaahinta kula hadlay goobtii ragan lagu soo bandhigayay ayaa sheegay in ragan ay ahaayeen xubno sar sare oo katirsan Al-Shabaab laguna soo qabtay howlgalo ay Ciidamadu sameeyeen.

Taliyaha ayaa xusay in Mukhtaar Cabdinuur uu ahaa Taliyaha Aaga Galgala ee Shabaab,waxaana uuna intaa raaciyay in Cabdiwaaxid Cali uu isna Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Gabayada,halka Guuleed Bashiir uu isna ka mid ahaa Saraakiisha sare ee Shabaab.

Muqtaar C/nuur (Axmad Guray) oo isna Warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigay ayaa sheegay xiligii la soo qabanayey in uu isaga baxay Al-shabaab, isla markaana ciidanka Puntland ay ka soo qabteen magaalada Garowe, Waxa uuna intaa raaciyay in uu mar ahaa Taliyihii Aagag Galgala ee Al-Shabaab.

Maamulka Puntiland ayaa dagaal xoogan kula jira Dagaalyahanada Al-Shabaab ee sadhigyada ku leh Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, waxaana marar badan Ciidamada Puntiland iyo kuwa Al-Shabaab Dagaalo dhiig badan ku dataeen uu ku dhax maray Buuraha Galgala.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada