Daawo Sawirada:- Ragii dilay Xildhibaanad Saado Cali iyo Xildhibaano kale oo Goordhaw Muqdisho lagu toogtay

Daawo Sawirada:- Ragii dilay Xildhibaanad Saado Cali iyo Xildhibaano kale oo Goordhaw Muqdisho lagu toogtay

daajis.com:- Waxaa goordhaw Barxada Iskuul Buluusiya ee Magaalada Muqdisho lagu toogtay labo nin oo katirsanaa Dagaalamayaasha Xarakada Al-Shabaab ,kuwaa oo lagu helay in ay ka dambeeyeen Dilal Muqdisho loogu geestay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Somalia iyo Saraakiil ciidan.

Ragan la toogtay oo horey uga soo muuqday Muuqaal laga baahiyay Telefishinka Dowlada ayaa ku qirtay in ay ka dambeeyeen Weeraro kala duwan oo lagu dilay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iy Saraakiil katirsan Hay’ada Nabad Sugida.

6-dii April ayay ahayd markii maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay Shuceyb Ibraahim Mahdi oo 37 jir ah iyo Faarax Cali Cabdi oo 30 sano jir ah Maxkamadda ku riday xukun dil ah, markii xeer ilaalinta Qaranka ay ku soo eedeysay dilal dhowr ah oo ay ka fuliyeen Muqdisho .

Xildhibaanada ay dileen ragan la toogtay waxaa kamid ahaa Xildhibaanad Saado Cali Warsame, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd, Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer, Axmed Odawaa Baale ,Maxamed Axmed Qaanuuni oo labaduba katirsanaa Hay'ada Nabad Sugia Qaranka.

Fagaaraha lagu tooganayay ragan qirtay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab waxaa ku sugnaa Saraakiil katirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka sida, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada Soomaaliya.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada