Daawo Sawirada''Banaanbax looga soo horjeedo dhismaha Baarlamaanka Jubba oo ka dhacay Baydhabo

Daawo Sawirada''Banaanbax looga soo horjeedo dhismaha Baarlamaanka Jubba oo ka dhacay Baydhabo

daajis.com:-  Banaanbax xoogan ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Banaanbaxan ayaa looga soo horjeeday qaabka loo soo xulay xubnaha baarlamaanka ee maamulka Jubbaland iyagoo ku eedeeyay maamulkaasi in uu si khaldan u soo xulay,” waayo dadka deegaanka ah ayaa laga tagay, dad aan deegaanka ahayna xubno badan ayaa la siiyay” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta ka qayb galay mudaharaadka.

Magaalada ayaa gebi ahaan Maanta xirnayd iyadoo amaanka si wayn loo adkeeyay, dad-weynaha dibadbaxa dhigayey ayaa waxay isugu wada yimaadeen garoonka weyn ee kubada Cagta ee Baydhabo.

Banaanbaxan oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, ganacsato, iyo shacab tiro badan ayaa sidoo kale lagu taageeray mooshin ay wadaan qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamanka Federaalka oo ay kaga soo horjeedaan qaabka loo soo xulay xubnaha baarlanaanka Jubba.

Mudaharaadkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalintii shalay banaanbax lagu taageerayo xubnaha cusub ee baarlamaanka Jubba sidoo kalena laga soo horjeedo mooshinka ka soconaya gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka dhacay magaalada Kismaayo.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada