daajis.com:- Feerka miisaanka culus ee dunida ayaaa caawa xiliga dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Las Vegas 8:00 Fiidnimo laga daawan doonaa iyadoo xiliga Geeska Afrika ay ku aadan tahay 5:00 Subaxnimo berito.
Ujeedkase ma ahan inaan sheegno arimo ku saabsan labada feeryahan balse dagaalkaan ayaa noqon doona mid u dhaxeeya kooxaha Arsenal iyo Man United madama labada feeryahan ay kala taageeraan labadaas kooxood.
Pacquiao oo ah feeryahan u dhashay dalka Philipine ayaa taageero u ah kooxda Arsenal, waxaana twitter-ka ku shaaciyay halyeeygii hore Arsenal Ian Wright kaas oo soo galiyay sawir feeryahankaan oo wata jaakad Arsenal ah.
Dhanka kale Mayweather oo isna ah feeryahan u dhashay dalka Mareykanka ayaa isna taageero u ah kooxda Manchester United sida ay qortay Daily Star wuxuuna saaxiib dhaw la yahay kabtanka Manchester United.
Sidaas darteed feerka ka dhici doonaa Las Vegas wuxuu u dhaxeeyaa kooxaha Arsenal iyo Man United waana sheeko lagu soo aadiyay xiligeeda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at