Xasan Sheekh oo ogolaaday in Maamulka loo dhisayo Gobolada Dhaxe uu Noqdo Gobol iyo Bar!!!

Xasan Sheekh oo ogolaaday in Maamulka loo dhisayo Gobolada Dhaxe uu Noqdo Gobol iyo Bar!!!

daajis.com:- Waxaa muran xoogan uu ka taagnaa Maamulka Gobolada Dhaxe ee Soomaaliya loo dhisayo iyo sida laga yeeli lahaa Gobolka Mudug oo qeyb kamid ah ay maamusho Maamulka Puntiland kana soo horjeeday in lagu daro Maamulka Gobolada Dhaxe.

Raizul Wasaarihii hore ee Xukuumadii Kalsoonida Baarlamaanka weysay Cabdi Wali Sheekh Axmed ayaa 14-kii bishii Octoper ee sanadkii hore saxiixay in Maamulka Gobolada Dhaxe uu noqonayo Gobolka Galgaduud iyo qeyb kamid ah Gobolka Mudug.

Maamulka Puntiland ayaa dadaal badan ku bixisay sidii Maamulka loo dhisayo Gobolada Dhaxe u fashilmi lahaa ama ugu yaraan u noqon lahaa mid loo dhisayo Gobolka Galgaduud iyo qeb kamid ah Gobolka Mudug .

Puntiland ayaa ugu dambeyn ku guuleesatay in Madaxweynaha Soomaaliya oo Garawe jooga uu ogolaado in Maamulka Gobolada Dhaxe loo dhisay uu noqdo Goboka Galgaduud iyo Qeyb kamid ah Gobolka Mudug halka qeybta kale ee Gobolkaasina ay hoos tageyso Maamulka Puntiland.

MadaxweynahaSoomaaliya ayaa Saxiixay War-Murtiyeed lagu cadeeyay in Maamulka Gobolada Dhaxe uu noqonayo Gobol iyo Bar iyadoo la raacayo heshiiskii hore , waxaana War Murtiyeedka sidoo kaleqeyb ka ahaa in Ergooyinka ka socda Gobolka Mudug gaar ahaan dhanka ay maamusho Puntiland aan lagu darin Shirka kasocda Cadaado.


Maamulka Gobolada Dhaxe ayaa hadii uu dhismo noqon doona Maamul ka kooban Hal gobol iyo Bar, waxaana horey loo cadeeyay in Maamulada Federaalka qeybta ka nqonaya ay ahaan karaan labo Gobol iyo waxii ka badan , lamana oga saameynta ay arintan ku yeelan karto Dhismaha Maamulka Gobolada Dhaxe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada