daajis.com:- Gabadhii ugu horeysay ee Somali ah ayaa shalay si rasmi ah loo siiyay kaarka Booliska gobolka Minnessota dalkan Mareykanka, iyadoo ka mid noqoneysa 7 qof oo Somali ah boolis ah oo gobolka ka howlgala.
Qadra Maxamed, oo 22 jir ah ayaa waxaa bishii March ee sanadkan shaqaaleysiiyay, qeybta booliska ee Magaalada St. Paul ee gobolkaasi, laakiin haatan ayey si rasmi ah ugu biirtay, qeybta booliska ee Metro-transit Police loo yaqaan oo ka howgalaya magaalooyinka mataanaha ee St. paul iyo Minneapolis oo ay ku noolyihiin Somalida ugu badan Mareykanka.
Khadra ayaa loo ogolaaday inay shaqadeeda gudato iyadoo weliba xiran xijaab.
Waxaana arintan ay ku soo beegmeysaa, iyadoo dhawaan Ismahan Isse, oo ah gabar somaliyeed oo 29 sana jir ah oo ka soo baxday akaemiyada booliska magaalada Kolombus ee gobolka Ohaio ay isaga hartay, damaceedii ahaa inay boolis noqoto, iyadoo u sababeysay in siyaasadaha booliska gobolka aaney ogoleyn in xijaab ay ku shaqeyso.
Wariyeheenna Maxamed Mascadde ayaa Magaalada Minneapolis kula kulmay Qadra Maxamud iyo Waxiid Axmed Siraaj oo isna darajada Saajin ka gaaray booliska gobolka, waxuuna ugu horeyn qadra weydiiyay sida ay ugu suuragashay inay booliska ku biirto.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:34 and have


