daajis.com:- Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobey ayaa lagu eedeeyay in Iiraan ay hub siiso Jabhada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in hubeynta Iiraan ee Jabhada Xuutiyiinta ay aheyd mid soo jirtay tan iyo sanadkii 2009-kii.
Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa ka codsaday Xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo, si loo helo xaalad lagu wada hadli karo iyo in la gaaro xabad joojin.
Sacuudiga ayaa horay ugu eedeeyay Iiraan inuu taageero siiyo Xuutiyiinta, kuwaasoo horay u qabsaday qeybo ka mid ah dalka Yemen.
Xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa duqeymo ka dhan ah Jabhada Xuutiyiinta wali ka wada dalkaas, iyadoo wali jabhada ay sii wado dagaalkeeda ku aadan in guud ahaan dalka Yemen oo idil ku qabsato.
Golaha Ammaanka ayaa horay cunaqabateyn ugu soo rogay Jabhada Xuutiyiinta Yemen, iyadoo hogaamiyeyaasha jabhadaas ka mamnuucay safarada, isla markaana hantidooda fariisiyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 15:59 and have

