daajis.com:- Jeneraal Burundes ah oo lagu magacaabo Maj Gen Godefroid Niyombareh ayaa ku dhawaaqay afgambi ka dhan ah Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza oo hada ku sugan dalka Tanzania.
Jeneraalkan ayaa bishii Febraayo laga eryay xilka Taliyaha Sirdoonka, kadib markii ay isku dhaceen isaga iyo Madaxweynaha.
Ciidamo fara badan ayaa la geeyay xarunta warbaahinta dowladda, waxaana wariyeyaasha lagu amray in aysan dibada u soo bixin.
Maj Gen Godefroid Niyombareh ayaa sheegay in la dhisay Guddiga bad baadinta qaranka, waxaana uu xusay in la kala diray dhamaan xubnihii dowladda Burundi.
La taliyeyaasha Madaxweyne Nkurunziza ayaa sheegashada afgambiga uu ku dhawaaqay inuu yahay mid kaftan ah.
Lama oga taageerada uu Maj Gen Godefroid Niyombareh ka heysto saraakiisha kale ee ciidamada.
Madaxweyne Nkrunziza ayaa ku sugan dalka Tanzania oo uu uga qeyb galayo shir looga hadlayo xiisada ka taagan Burundi oo ay ka qeyb galayaan madaxda dalalka bariga Afrika.
Qalalaasaha ka taagan dalka Burundi ayaa bilowday 26-kii bishii April, waxaana dibad baxyo ballaaran ay ka socdaan magaalooyinka dalkaas sida Caasimada Bujumbura.
Dibad baxayaasha ayaa ka biya diidan in mar saddexaad uu isa soo sharaxo Madaxweyne Nkurunziza, waxaana rabshadaha ka socda dalkaas ilaa iyo haatan ku dhintay19-ruux.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:03 and have
, Published at