daajis.com:- Munaasabad lagu xusayay Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo maanta ku beegneyd ayaa lagu qabtay Hotelka SYL, iyadoo munaasabadan ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Isu tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Cadiwali Ibraahim Sheekh Muudey, Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha gudaha Cabdirashiid Xidig, Gudoomiyaha arimaha bulshhada ee baarlamaanka Dr Cusman Dufle, Wasiir ku xigeenka wasaarada Shaqada iyo arimaha Bulshada Cusmaan Libaax, gudoomiye ku xigeenka gobalka banaadir, Ururka Haweenka qaranka , Gudoomiyaha Gudiga shaaqaalaha rayidka Dowlada Mudane Cali Dheere , hobalada waabari oo meesha wacdaro ka muujiyay shaqaale xoogan oo xubno ka aha Isu-Tagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed oo ay tiradoodu gaaraysay 300 shaqaale.
Guddoomiyaha isu-tagga urur-weynaha shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cusmaan Xaaji oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada shaqaalaha haysata, isagoo ku ammaanay shaqaalaha Soomaaliyeed daruufaha adag ee ay ku shaqeynayaan iyo sidii ay ugu soo dhabar-adeegeen marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray, maadaama ay shaqaalaha Soomaaliyeed kaalin mug leh ku lahaayeen is-bedelka horumarka
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka hadlay sidii mar walba xuquuqda shaqaalaha loo ilaalin lahaa, isla markaana ay ka go’an tahay ururkooda in qof walba oo shaqaale Soomaaliyeed ah uu helo xuquuqdiisa, kuna boorriyay shaqaalaha Soomaaliyeed in ay sii wadaan shaqadooda isla markaana carabka ku adkeeyay in Gabdhaha Soomaaliyeed shaqo la siiyo maadaama aan gabdhaha Soomaaliyeed Shaqada ku yar yihiin iyo naafada oo ah qeyb muhiim u ah bulshada oo ay tahay in la xaqdhowro.
Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey oo munaasabada ka hadlay ayaa hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed, isagoo ugu hambalyeeyay munaasabada 1-da May.
“Anigoo ku kalsoon kartidiina iyo dhabar-adeegii aad soo muujiseen muddadii uu dalku ku jiray marxaladihii adkaa iyo kaalintii lama ilaabaankaa ahaa ee aad ku lahaydeen is-bedelka dowladnimo ee maanta jira, walaalayaal waxaan idinku boorin lahaa inaad sii waddaan shaqadiina hagar la’aanta ah”ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay ku abuuri lahayd shaqooyin, iyadoo laga faa’idaysanayo shaqaalaha ummadda ee diyaarka ah, isagoo tilmaamay baahida loo qabo aqoon-yahanka iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, waxaana uu xusay inuu ummadda ku baraarujinayo inay sameeyaan aqoon kororsi ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xilligan loo baahan yahay.
Wasiirka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in shaqaale ajnabi ah oo aan laga warqabin oo gaaraya shan kun ay dalka ka howlgalaan, iyadoo ay dadka Soomaaliyeed ay intooda badan ay la’yihiin shaqo,
“Hadda inta la sameeyay oo la diiwaan geliyay 5750 shaqaale ajnabi ayaa dalka ku sugan, Soomaalina kuma jiraan, sida uu Gudoomiyuhu sheegay 400 iyo wax yar waaye ma qaadan karno arintaasi waana la isga daba tagaya hadii Alle yiraahdo”ayuu yiri Wasiir Muudey.
Wasiir ku xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya Cusmaan Libaax oo isna halkaas ka hadlay ayaa tibaaxay qiimaha weyn ee ay ummadda Soomaaliyeed u leedahay shaqada iyo wax-soo-saarka shaqaalaha, dowladduna ay ahmiyad weyn siinayso in munaasaddan shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku xusaan dabaal-dagyo ka turjumaya dareenkooda si ay u muujiyaan muhiimadda shaqada iyo shaqaalaha.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha isu-tagga urur-weynaha shaqaalaha Soomaaliyeed (ITUSS) ayaa hadlkiisa kusoo gaba gabeeyay: “Shaqadu waa nolosha iyo sumacada qofka, waa furaha hurumarka bani’aadamka. Bulsho kasta sida ay uga shaqo badan tahay bulshooyinka kale ayay uga horreysaa, taas waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan. Haddii aanay shaqo jirin horumar iyo mustaqbal ma jiri karo.”
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:24 and have





