Police ka Baltimore ee dalka Maraykanka oo Dacwad lagu so Oogay

Police ka Baltimore ee dalka Maraykanka oo Dacwad lagu so Oogay

daajis.com:- Dacwad oogaha sare ee magaalada Baltimore ayaa waxa ay gudbisay eedaymo dambi oo ka dhan ah lix askari oo loo haysto kiiska nin madow ah oo lagu magacaabi jiray Freddie Gray oo ku dhintay gacanta booliska.

Dacwad ooge Marilyn Mosby ayaa sheegtay in dhimashada 25 jirka madowga ah ay tahay dil ninkaas loo gaystay, in markii hore la xarina ay aheyd sharci darro.

Dadka magaalada ayaa hadalkaasi farxad iyo damaashaad ku soo dhaweeyay, waxaana ka hadashay meeyarka magaalada Baltimore oo sheegtay in caddaalada aanay cidina ka sareyn.


Dadka magaalada Baltimore oo u dabaaldegaya dacwada lagu soo oogayo booliska
Qareenka u doodaya eedaysanayaasha booliiska, ayaa sheegay in aanay wax khalad ah samaynin nimankaasi.

Duqa Magaalada Baltimore, ayaa sheegtay in ay ku xanuunsatay, qaadan waana ay ku noqotay, kaddib markii lixdan nin ee booliiska ahaa lagu eedeeyay dhimasadii ninkii gacantooda ku jiray ee madawga ahaa Freddie Gray.

Iyada oo ka hadlaysa shir jaraa’id, Stephanie Rawlings-Blake, ayaa waxa ay u jeedisay digniin adag qof kasta oo ka mida booliska magaalada Baltimore oo laga yaabo bay tiri in uu sharciga dabamaro, waxayna sii raacisay cidd sharciga ka saraysaa ma ay jirto.


Lixda nin ee booliska ah, ayaa wajahaya eedaymo ay kamid yihiin dil darajada labaad ah, garaacid iyo xadhig sharci darra ah.

Dhimashada Freddie Gray, waxaa ka dhashay rabshado ka abuuurmay gudaha magaalada Baltimore, rabshadahaasi ayaa waxa ay keeneen in magaalada lagu soo rogo bandow iyo in la dalbado ciidammada gobolka ee Ilaalada Qaranka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada