Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo furmi doona bisha June

Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo furmi doona bisha June

daajis.com:- Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu furmi doono horaanta bisha June ee soo socota.

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ah Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka ayaa warbaahinta u sheegay in shirka maamulka loogu sameynayo Gobolladaas uu bisha June bilaabanayo.

“Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, wuxuu bilaaban doona bisha June ee soo socota, sida uu inoo sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha”ayuu yiri Dahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in aan wali la isku afgaran halka uu shirka ka furmayo, hase ahaatee waxaa uu xusay in la rajeynayo in shirka uu furmo bisha June.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa shalay su’aalooyin uga jawaabayay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka, isagoo uga warbixiyay qorshayaasha wasaaradiisa iyo waxyaabihii u qabsoomay mudada boqolka maalmood.

Kulamo iyo wada tashiyo la xiriiray howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho iyo meelo kale, iyadoo dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirtay sidii labadaas Gobol maamul loogu sameyn lahaa.


Guddoomiyeyaasha Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe C/fataax Xasan Afrax iyo Cali Guudlaawe ayaa dhowaan arrimaha maamul u sameynta Labada gobol loogu yeeray magaalada Muqdisho, iyadoo la kulmay Mas’uuliyiinta dowladda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa horay u sheegtay in bartamaha sanadkan la dhameystiri doono maamulada harsan, si inta aanu dhamaan sanadkan u hirgalo federaalka iyo maamuladii dalka.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada