daajis.com:- Maamulka Puntland ayaa Sheegay inay wax ka qabanayaan amaan daridda ku soo badanaysa Magaaladaasi Boosaaso.
Waxaana maanta Maamulka Gobalka Bari, kan degmada Boosaaso iyo laamaha ammaanka ay ka shireen sidii wax looga qaban lahaa amniga faraha ka sii baxaya ee magaaladda Boosaaso, markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf oo sheegay inay wax ka qaban doonaan ammaanka magalada.
Gen.Jaqanaf ayaa sheegay shirka in lagu soo hadal qaaday qodobo dhowr ah oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa falal amniga ka hor imaanaya oo Bosaso ka dhacay, wuxuuna sheegay inay ammaanka adkayntiisa ka wada shaqayn doonaan ciidamadda kala duwan ee Gobalka Bari ku sugan, sidoo kale waxa uu sheegay in laga hadlay wada shaqaynta guddiga amniga gobalka iyo xaafadaha Bosaso.
Waxaana Ciidamo lagu soo tababaray magalada Qardho ay maanta soo gaareen magaalada Bosaso, sida uu sheegayna Taliye Jaqanaf waxayna ka qayb qaadan doonaan Ciidamadani howlgada ammaanka lagu adkaynayo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:36 and have
