Video: Sucuudiga oo dib u bilaabay duqayntii Yamen iyo Buurihii oo qiiq qariyey

Video: Sucuudiga oo dib u bilaabay duqayntii Yamen iyo Buurihii oo qiiq qariyey

daajis.com:- Waxaa maalintii Axadda ku ekaa xabbad joojin shan maalmood ah oo ka dhaqan gashey dalka Yemen taas oo lagu sheegey in ay tahay mid bini’aadanimo. Xabbad joojinta waxaa ku dhawaaqey Xulafada Sucuudigu hoggaaminaayo, waxaana soo dhaweeyey fallaagada Xuuthiyiinta ee afgenbiyey Xukuumaddii Yemen.

Diyaaradaha Sucuudiga ayaa duqeeyey goobo ay magalada dekadda leh ee Cadan ay ka joogaan Xuuthiyiintu, saacado yar kadib markii la gaarey xilligii xabbad joojintu ku ekeyd, iyada oo aan xabbad joojinta loo sameyn muddo kordhin.

Goobaha ay duqeeyeen diyaaradaha Xulafadu ayaa la sheegayaa in ay ku jirto qasriga Madaxtooyda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadan halkaas oo Xuuthiyiintu ku sugan yihiin.

Xulafada Sucuudigu hoggaaminaayo ayaa duqeyn ku hayey Fallaagada Xuuthiyiinta ee dalka IRAN taageerto tan iyo bishii Maarso 2015.

Xuuthiyinta oo ay taageerayaan Ciidamadii Yemen ee taageersanaa Madaxweynihii hore Saalax ayey u suurta gashey in ay qabsadaan dalka intiisa badan isla markaana uu dalka ka cararo Madaxweynha la aqonsan yahay kaas oo hadda ah dibad joog.

Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Yemen Ismail Ould Sheikh Ahmed ayaa dalbadey in xabbad joojinta muddada loo kordhiyo isla markaana wada hadal xaalka lagu dayo.

Dagaalada ka socda Yemen ayaa galaaftey nafta dad ka badan 1400 oo qof tan iyo bishii Maarso, sida laga soo xiganayo Qaramada Midoobey, dalka Yemen oo fakhri ah waxaa heerkii ugu darnaa gaarey baahida loo qabo cuno, biyo iyo daawo.

Boqolaalkun oo Soomaali ah ayaa dalkaas qaxooti ku ahaa 25 sano ee u danbeysey, waxaana si weyn looga dayrinayaa xaaladda dadkaas.

Halkan ka Daawo muuqalka 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada