daajis.com:- Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo amba baxay Magaalada Abuja ee Xarunta Nigeria, ayaa wuxuu xalay Garoonka Duulimaadyada Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi, uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha Kenya, ayaa markaasi ka soo laabtay dalka Tanzania oo uu kaga qaybgalay shir, ay ku lahaayen Madaxda Wadamada Midowga Afrika, kaa oo looga hadlaayay xaaladda murunsan ee dalka Burundi ka jirta.
Madaxweynaha Kenya, ayaa bogga uu ku lee yahay Facebook waxa uu ku soo qoray in Madaxweynaha Somaliya, uu kulan kula qaatay Garoonka Jomo Kenyatta, ha yeeshee maanu faah faahin waxyaabaha, ay ka wada hadleen.
Somaliya, ayaa waxay muddooyinkanba ay isha ku haysay darbiga la sheegay in Kenya ka dhisayso xadka ay Somaliya la wadaagto, sababo ku aadan weerarada Shabaabka kaga imanaya awadood.
Arrinta darbiga dhisidda, ayaa soo xoogeysatay ka dib markii weerarka ardayda badan lagu laayay, ee Shabaabka ka geysteen Dhismaha Jaamacadda Magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Kenya waxay ka mid tahay Wadamada Afrikada Bari ee Ciidamada Militariga ka jooggaan Koonfurta Somaliya, waxaana taasi sabab looga dhigaa weerarada, ay Al Shabaab ka wado Kenya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:30 and have
, Published at