Akhriso: Shan Arimood oo Kenya ka careysiiyay oo safarka Obama laga dhaxlay

Akhriso: Shan Arimood oo Kenya ka careysiiyay oo safarka Obama laga dhaxlay

daajis.com:-Safarka Madaxweynaha dalka Mareykanka Obama uu xalay fiidkii 8:10 Daqiiqo ku tagay dalka Kenya ayaa noqday safar Warbaahinta aad u hadal hayso, saameyn weyna ku yeeshay guud ahaan dalka Kenya.

Obama Waa Madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo isaga tallada dalka Mareykanka haya tagay dalka Kenya oo Aabihii kasoo jeeda, waxaana garoonka Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Kenya, Obama Walaashiis iyo ehelada Obama ee Kenya ku sugan.

Safarka Obama ee Kenya ayaa waxyaabaha lagu xasuusan doono waxa ay noqon doonaan dhowr qodob oo la yaab noqday, intii lagu guda jiray soo dhaweynta Madaxweyne Obama, amniga sida loo adkeeyay iyo masuuliyiin  Kenyatti ah oo loo diiday ka qayb qaadashada soo dhaweynta Obama.

Sida aan warbixino ku heleyno waxaa soo dhaweynta Obama loo diiday Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Rutto, sabab la xiriirta kiisaska ka yaala maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC.

Waxyaabaha kale ee lagu xusuusan doono Safarka Obama ee Nairobi ayaa waxaa ka mid ah in Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta Jomo Gecaga loo diiday inuu gacantiisa ku taabto gaariga uu garoonka diyaaradaha ka galbin lahaa Madaxweyne Obama, gaarigaasi waxaa lagu magacaabaa “The Beast” waa gaariga gaarka ah ee Madaxweyne Obama waa sida aqalka oo kale.

Garoonka Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi shalay oo dhan waa uu xirnaa, hawadana waxaa dul wareegaayay diyaaradaha Milateriga ee Mareykanka oo ammaanka ka qayb qaadanaayay.


Salaadii Jimcaha ee shalay Magaalada Nairobi waa lasoo hormariyay waqtigeeda oo waxaa la dukaday 1:00 Duhurnimo halka dadka ay dukan jireen 1:30 Duhurnimo, sababo ku aadan wadooyinka oo la xiray shalay 2:00 Duhurnimo Waqtiga Kenya si dadka aysan ugu dhibtoon xirnaanshaha wadooyinka.

Waxaa kale oo dhacdooyink Safarka Obama lagu xasuusan doona ka mid ah  in madaxii gaarka ee ammaanka garoonka diyaaradaha Kenya lagu dhex baaray garoonka, waxaana baarayay saraakiil ka tirsan FBI-da Mareykanka kuwaasi oo amaanka guud ahaan Nairobi la wareegay.

Magaalada Nairobi ayaa noqotay goob wada ciidan ah oo ammaanka Magaalada waxaa sugaya 10-kun oo Askari oo Kenyatti ah oo ay sii dheer yihiin ciidan badan oo Mareykan ah oo amniga sugaya.

Madaxweyne Obama ayaa lagu wadaa in manta uu furo shir looga hadlaayo arimaha Ganacsiga kaasi oo ka dhici doona Magaalada uu martida ku yahay ee Nairobi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada