daajis.com:- Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa la wareegay gacan ku haynta Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Hase ahaatee cida maamuli doonta magaalada ayaa noqotay su’aal adag, maadaama DF Soomaaliya iyo Maamulka Jubba ay sheegayaan in mid walbaa uu magaalada la wareegay.
Isagoo lahadlayay VOA-da Korneyl C/laahi Cismaan Isaaq oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay Dowladda Somaliya inay Maamul u samaynayso Degmada Baardheere, oo Arbacadii ay kala wareegen Ururka Al Shabaab.
Sargaalkan ayaa sheegay inuusan jirin maamul Jubba katirsan oo magaalada kusugan, sidaa darteed ay ka sameyn doonaan maamul dadka deegaanka ay leeyihiin.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili Gen Fartaag oo ah madaxweyne kuxigeenka maamulka KMG ah ee Jubba uu sheegay in Baardheere ay dhankooda la wareegeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:30 and have
