Al-shabaab oo fariisimo ka samaysatay Keeymo ku yaal gudaha Kenya

Al-shabaab oo fariisimo ka samaysatay Keeymo ku yaal gudaha Kenya

daajis.com:- Wargeyska The Star ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa baahiyay in ku dhawaad 300-dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ayna la socdaan xaasaskooda iyo caruurtooda in ay dageen saldhigyana ka sameeyeen dhulka Kaymaha badan ee Boni Forest .

Dhulka Kaymaha badan ee Boni Forest ayaa la sheegay in uu ku fadhiyo dhul cabirkiisu dhan yahay 160-Km, waxaana dhulkan oo ah mid keymo badan mudo fog kunoolaa Dadka inta badan ugaarsada Xayawanaaadka gaar ahaan Sagaarada.

Wargeyska The Star ayaa qoray in dhulkan Keymaha ee Boni Forest ay ka furan yihiin xeryo ciidan ay leeyihiin Xarakada Al-Shabaab laguna tababaro halkaasi dhalinyarada Kenyanka ah ee kooxdaasi ku biirta.

Chrispus Mutali oo ah Taliyaha Isku-xirka Boliska Lamu ayaa sheegay in ay adag tahay in Ciidamada amaanka Dalka Kenya ay galaan Keymaha lagu tuhmayo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, waxa uuna sargaalkan xusay in Keymahaasi ay adag tahay sida lagu galo maadama aysan wadooyin laheyn sidoo kale uu xun tahay isgaarsiinta halkaasi.


Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe xoojiyay weerarada ay ka geestaan gudaha Dalka Kenya, waxa ayna marar badan weeraro qasaaro kala duwan dhaliyay ka fuliyeen Deegaano hoos taga Lamu iyo sidoo kale Deegaano katirsan Gobolka Waqooyi bari Dalka Kenya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada