Guddiyada Doorashooyinka & Xuduudaha oo maanta la dhaarinayo

Guddiyada Doorashooyinka & Xuduudaha oo maanta la dhaarinayo

daajis.com:- Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud habdhowraha Baarlamaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka baarlamaanka uu ku saabsanyahay dhaarinta Guddiyadii dhawaan ay Xildhibaannada codka kalsoonida ah siiyeen.

“Maanta oo Isniin ah waxaa jira shirka baarlamaanka, waxaa jiri doono hadal jeedinta Guddoomiyaha Baarlamaanka, sida ku xusan xeer hoosaadka qodobka 27 xarafkiisa “G” ayaa u ogolaanaya hadal jeedinta baarlamaanka iyo dhaarinta xubnaha guddiyada doorashooyinka iyo kuwa Madaxa banaan, waa la dhaarin doonaa, labada guddi waxa ay lafdhabar u yihiin arrimaha hiigsiga” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.


Dhowaan ayaa baarlamaanka Puntland waxa uu u codeeyay qodobo ay ka mid yihiin guddiyada doorashooyinka iyo xuduudaha waxayna taasi sababtay in uu booqasho deg-deg ah ku tago magaalada Garowe Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Kulamo ay yeesheen ra’iisal wasaare Sharma’arke iyo madaxda Puntland ayaa war murtiyeed laga soo saaray aan lagu soo darin in heshiis laga gaaray muranka ku saabsan guddiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada