daajis.com:- Ciidamada Milatariga Doowlada Federaalka Soomaaliya oo garab milatari ka helaya kuwa AMISOM, ayaa saakay si buuxda ula wareegay deegaanka Ufuroow ee Gobolka Baay.
Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha nafeed ee dhinacyada soo kala gaarey, haseyeeshee Xuseen Cabdi Haaruun oo kamid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda ayaa sheegay in deegaanka Ufurow ay xilligan si buuxda iyagu gacanta ugu hayaan.
“Ciidamada Dowladda Federaalka iyo AMISOM waxay ku guuleysteen inay kooxaha nabad-diidka ka xoreeyaan degmada Ufurow…ammaanku waa sugan yahay, xiliganna degmada anaga ayaa si buuxda gacanta ugu hayna” ayuu yiri.
Sarkaalkan ayaa dhanka kale sheegay in maalmaha soo socda ciidamada huwantu u ruuqaansan doonaan dhanka degmada Diinsoor oo iyadu ah magaalada ugu muhiimsan ee Al-shabab kaga sugan tahay gobolka Bay.
Al-shabaab oo sanado kahor si buuxda uga arrimin jirtey inta badan gobollada koonfureed ee dalka, waxay labadii sano ee ugu dambeeyey u muuqatey mid awoodeedu sii wiiqmeyso, waxaana laga saarey magaalooyin badan oo muhiim ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:50 and have
, Published at