daajis.com:- Ciyaaryahanka Caanka ah ee Dalka Arjantiin iyo Kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa booqasho taariikhi ah waxa uu ku tagay Dalka Gabon ee Qaarada Afrika, waxa uuna Ciyaaryahankan dhagax dhigay Garoon Kubada cagta ah oo laga dhisayo Dalkaasi.
Dadweyne aad u badan si weyna u taageera Ciyaaryahanka Dunida ugu wanaagsan Xiligan ee Lionel Messi ayaa si diiran Dalka Gabon ugu soo dhaweeyay, waxaana Ciyaaryahanka loo galbiyay magaalada Port-Gentil halkaas ay si wadajir ah dhismaha Garoonka u dhagax dhigeen Madaxweynaha iyo messi.
Waxyaabaha soo jiidashada lahaa ayaa ahaa in Madaxweynaha Dalka Gabon Ali Bongo Ondimba, uu gaari gaar ah ku kaxeeyay Ciyaaryahanka, waxaana Messi uu kursiga hore ka fadhiistay gaariga uu ka xeenayay Madaxweynaha.
Madaxweynaha Dalka Gabon Ali Bongo Ondimba, ayaa sheegay in sanado kahor Ciyaaryahanka Messi uu kula kulmay Magaalada Bercelon ee Dalka Spain uuna xiligaasi ka balan qaaday in uu dalkiisa soo booqon doono uuna ka ddhabeeyay.
Dalka Gabon ee Qaarada Afrika ayaa marti galin doona sanada 2017-da tartanka koobka qaramada Afrika , waxaana garoonkan uu Messi dhagax dhigay iyo Garoomo kale ay qeyb ka noqon doonaan Garoomada lagu ciyaarayo Koobkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:34 and have
, Published at